Dhageyso:-Cabdi Qeybdiid oo baaq u diray Madaxda Puntland xilli uu jiro..

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ku sugan Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa ugu baaqay Madaxda Puntland inay ka qeyb qaataan xalinta Madaxda is khilaafsan ee Galmudug.

Waxa uu sheegay in muhiim ay tahay in madaxda Puntland ay talooyin ku darsadaaan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka dhex jira maamulka deriskooda.

Isaga oo hadlayay ayuu sheegay in khilaafkaas hadii uu sii socdo uu saameyn ku yaalan doono Maamulkooda Puntland.

Si kastab waxaa xilligaan sii xoogeysanaya khilaafka u dhaxeeya Madaxda Galmudug,iyada oo xildhibaanada Galmudug ay kala degan yihiin Magalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Hoos Ka Dhageyso Codka Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor