Shirweynaha Dib u eegista Dastuurka oo Maanta la soo gaba gabeynayo

Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland ayaa la filayaa in Maanta oo Khamiis ah lagu soo geba gabeeyo shirweynaha dib u eegista Dastuurka oo maal mahaan ka socday Magaaladaas.

Shirweynahaas oo ay martigelineyso Puntland ayaa waxaa ka qeyb galay gudiyada dastuurka ee barlamaanka Soomaaliya, barlamaanada dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka ah ee Somaaliya iyo gudiga madaxa banaan ee dibu eegista dastuurka.

Waxaa shirkaasi looga hadlayay intiisa badan dib u eegis lagu sameeyay 5 cutub oo ka mid ah dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shirkaasi ku sugan,waxaana munaasabad lagu soo xirayo shirkaas ak qeyb geli doono mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor