Xaalad degaansho ah ayaa saakay laga dareemayaa degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose kadib dagaal xalay ku dhex maray Al-Shabaab iyo Ciidanka dowladda Soomaaliya.
Gudoomiyihii hore ee degmada Marka Maxamed Cusmaan Yariisow’oo xalay lagu Wareestay Barnaamijka Wareega Wararka ee radio dalsan ayaa sheegay in inta badan Magaalada ay iyaga la wareegeen in kastoo uusan cadeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dhibaatooyinka ka jira Magaalada Marka ay ka mid tahay in Magaalada ay ka socoto Boonada ay lacagta ku qaadaan Al-Shabaab Ganacsataduna ay bixiyaan sida uu hadalka u dhigay
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Yariisoow