Ciidamada Amniga dalka Masar ayaa xirxiray 17 qof oo Soomaali ah kadib markii ay howlgal ka sameeyeen Xaafadaha ay soomaalida ka degan yihiin Magaalada Qaahira.
17 qof oo dhammaantood ah rag ayaa laga qabtay Maqaayada Soomaalida ay ku leeyihiin Xaafada Caashir ee degmada Nasri City.
Wiil Soomaali ah oo heesta dhalashada dalka Mareykanka ayaa ka mid ah Soomaalida la xiray,sida ay sheegeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Masar.
Maxamed Cabaas oo ka mid ah Ardayda waxka barata dalka Masar ayaa sheegay in dadka la qabqabtay ay isugu jiraan Arday iyo kuwa qaxooti ah iyo Wiil heysta dhalashada Mareykanka,isla markaana loo maleynayo in doorashooyinka oo soo dhawaaday aawgeed ay sabab u tahay laakin badankood lasoodeyn doono.
Xariga dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu xiray Masar ayaa ku soo aadaya xili todobadkii hore ay Ciidamada Ammaanka ay siidaayeen laba Wiil oo Soomaali ah oo mudo lix bilood ah ku xirnaa Saldhiga Nasri City.
Hoos Ka Dhageyso Codka Mid ka mid ah Soomaalida ku nool dalkaas.