Sawirro:-Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay Saraakiil Cadaan ah

Saraakiil Qaramada Midoobey ka socday ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waxaana ku qaabilay Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Amniga, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay).

Saraakiishan oo ka tirsan Booliska Qaramada Midoobey ayaa muddooyinkan dambe Maamulka Koonfur Galbeed kala shaqaynaayay dhanka ciidamada iyo arrimaha ammaanka.

Saraakiishan oo uu horkacayay Bengt Gronlund ayaa waxay Kusimaha Madaxweynaha ay is dhaafsadeen tallooyin ku aadan suggida nabadgelyada iyo weliba dhismaha Ciidamada Koonfur Galbeed.

Saraakiishan oo dhameystay muddo xiloodkoodii Qaramada Midoobey ee Somaliya ayuu Wasiir Xasan Eelaay guddoonsiiyay shahaado sharaf iyo hadyad uu ugu talagalay, iyagoona kaga mahadceliyay.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulanka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media