Ciidamada Ciraq oo dilay 13 qof oo dibad-baxayaal ah

Ciidamada ammaanka Ciraq ayaa maanta toogasho ku dilay ugu yaraan 13 qof oo dibad-baxayaal ah, magaalada Koonfureed ee Nassiriya, sida ay sheegeen ilo-wareedyo caafimaad.

Dhimashada dadkan ayaa timid kadib markii ay isku dhaceen dibad-baxayaasha iyo ciidamada ammaanka oo doonayey inay ka saaraan laba ka mid ah buundooyinka ugu weyn magaalada.

100 qof oo kale ayaa sidoo kale ku dhaawacmay isku dhacyada, waxaana lagu warramayaa in qaar ka mid ah ay xaaladdooda halis tahay.

Dhimashadii ugu dambeysay ayaa tirada guud ee dadka ku dhintay dibad-baxyada Ciraq, tan iyo markii ay billowdeen bishii October, ka dhigeysa 360, ayada oo 15,000 oo kale ay ku dhaawacmeen.

Ma’suuliyiinta ayaa dhinaca kale Bandow kusoo rogay magaalada Najaf kadib markii la gubay qunsuliyadda Iran ay ku leedahay halkaas.

Gubitaanka qunsuliyadda Iran ayaa kasii dartay rabshadaha iyo dibad-baxyada ka socda dalka Ciraq toddobaadyo, kuwaasi oo lagu doonayo in lagu rido dowladda dalkaas oo loo arko mid musuq maasuq, islamarkaana ay taageerto Iran.

Ra’iisul wasaaraha Ciraq, Adel Abdel Mahdi, oo ah taliyaha ugu sarreeya ciidanka, ayaa madaxda milatariga u diray dhowr gobol si ay dib ugu soo celiyaan kala dambeynta, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay militariga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media