Maalin ka hor waxaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa lagu soo gabagabeeyay shir ay lahaayeen Madaxda Maamul goboleedyada, waxana Maanta Grbahaareey lagu qabtay banaanbax looga soo horjeedo shirkaas.
Boqolaal ka mid ah Shacabka degmada Garbahaareey ayaa ka qeyb galay banaanbaxaas.
Dadka bananabxa dhigayay ayaa waxa ay sheegen in War-Saxaafadeedkii ka soo bxay Madaxda Maamul Goboleedyada uu yahay mid aan dan ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.
Waxa ay sheegeen in ay taageersan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana ay diidan yihiin cid kasta oo dowladda ka soo horjeeda.
Si kastaba degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo oo uu Maanta banaanbaxa ka dhacay ayaa waxaa Gacanta ku haya Maamulka Jubbalan oo isaga martigeliyay shirkii ka hacay Magaalada Kismaayo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Banaan baxayaasha.