Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka qeybgalay kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Dhuusamareeb 3 oo uu shir guddoomiyay Madaxweynaha JFS  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sidoo kalana ay ka qeybgaleen Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle  Maxamed Cabdi Waare, Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Cumar Maxamuud Maxamed.
Madaxda oo iska xog wareystay hannaanka geeddi socodka doorashooyinka dalka, xaaladda siyaasadeed iyo amni ayaa wadajir u cambaareeyey weerarkii gaadmada ahaa ee Al-shabaab ay ka fuliyeen mid ka mid ah hoteellada magaalada Muqdisho, waxa ayna uga tacsiyeeyeen qoysaska, ehelada iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed muwaadiniinta geeriyootay.
Sidoo kale, Madaxda ayaa adkeeyey muhiimadda ay midnimadu iyo wadajirku u leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Madaxweyneyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir sida ay uga go’an tahay in la sii ambaqaado wadahadallada muddaysanaa ee heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, taas oo lagaga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka dalka.