Madaxweynaha Maamulka Galmudug garabka Magalada Cadaado ayaa eedeyn kulul waxa uu u jeediyay Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada,isaga oo barbar dhigay Al-Shabaab.
Isaga oo ka hadlayay shir ka dhacay Magalada Cadaado ayuu sheegay in dalkaan dhibaatada faraha badan ee ka jirta ay ku hayaan Al-Shabaab iyo Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada.
“Soomaaliya waxaa caqabad ku ah Al-Shabaab,waxaa caqabad ku haaya Golaha sharta ah ee Golaha Iskaashiga diidayana Nasiino shacabka Soomaaliyeed helaan oo mar walba boobaya,runtii waxaan leenahay dhibaato ka weyn majirto Golahaas marka laga reebo Al-Shabaab.
Dilalkii ugu dambeeyay ee saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud ayuu ku eedeeyay ina masuul ka yihiin Golaha Iskaashiga oo uu sheegay in uu hoggaaminayo Cabduweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland.
Gaba gabadii waxa uu soo hadal qaaday shirkii Garoowe ugu qabsoomay iyo Go’aankii ay ku gaaren inay Ciidamo gaar ah sameystaan,waxana uu sheegay in ciidamaas ay ku baaqeen ay durba bilaabeen dhibaatooyin Cusub sida uu hadalka u dhigay.