Kadib shir Jaraa’id oo ay Galabta ku qabteen Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay 12 ka mid ah Guddigii doorashada Koonfur Galbeed ee xalay is casilay.
Guddiga qaban qaabada doorashada Koonfur Galbeed ayaa waxa ay gaarayeen 27 xubnood,waxana xalay ku dhawaaqay inay is casileen 15 ka mid ah oo ay ku jiraan Guddoomiyihii guddiga ku xigeenkiisa iyo Afhayeenka Guddigaas.
12-ka Xubnood ayaa waxa ay sheegeen inay siwadi doonaan Shaqadii Guddiga,isla markaana diiwaangelinta Musharixiinta ay halkooda ka siiwadayaan.
Waxa ay ka dalbadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye in uu si deg deg ah u soo dhameystiro Xubnihii bedeli lahaa kuwii is casilay.
Tallaabada ay ku dhaqaaqeen 12 ka mid ah Guddiga qaban qaabada doorashada Koonfur Galbeed ayaa ku soo aadeysa xilli qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ay sheegeen in faragelinta dowladda aawgeed ay dib u dhigeen doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xubnaha Guddiga.