Akhriso:-Wararkii u dambeeyay ee Caawa Doorashada Koonfur Galbeed

Weli waxaa jahwareer Siyaasadeed uu ka jiraa Maamulka Koonfur Galbeed,tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay is casileen xubnihii ugu muhiimsanaa Guddiga qaban qaabada doorashada Maamulka Koonfur Galbeed.

Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay waxaa ka socda is jiid jiid siyaasadeed,waxana soo kordhay shirar iska soo horjeeda oo  ay qabanayaan Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed.

Gelinkii dambe ee Maanta waxaa shirar kala gooni gooni ah qabtay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed waxana ay sheegeen in ay dib u dhigeen doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed sababo la xiriira faragelin ay doorashada ku heyso dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa sidoo kale hadlay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka koonfur Galbeed,waxana ay sheegeen in aan doorashada dib loo dhigeen,isla markaana guddoonka Baarlamanka looga baahan yahay in uu soo magacaabo xubnihii bedeli lahaa Xubnihii guddiga ee is casilay.

Sidoo kale isla Magalada Baydhabo waxaa Gelinkii dambe ee Maanta kulan ku yeeshay 12 ka mid ah Xubnihii ka haray Guddiga doorashada Koonfur Galbeed,waxaana ay iyana sheegeen in doorashada waqtigeeda ay ku dhaceyso,isla markaana Shaqooyinka ay siiwadi doonaan.

Xiisada Siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ayaa Saacadba saacada ka dambeysa waxa ay noqoneysa mid kor u sii kaceysa,waxaana Caawa Magalada Baydhabo ka socda kulmo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan Musharixiinta iyo Xildhibaanada Koonfur Galbeed qaarkood.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor