Waxaa Goordhow Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ka furmay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo Maanta looga hadlayo Ajendo muhiim ah.
Kulanka oo ah midkii 4-aad kalfadhiga 7-aad ayaa waxaa shir Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, isla markaana waxaa goobjoog ka ah 156 Xildhibaan.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu yahay ka doodista xeerka qoondada haweenka iyo qeybinta xeerka qoondaha ku noqoshada miisaaniyadda 2020-ka.
Dhinaca kale Guddoonka Golaha Shacabka ayaa waxaa loo gudbiyay Mooshin ay ku saxiixan yihiin 132 Xildhibaan.
Mooshinka ayaa la xiriira in kuraasta xildhibaanada haweenka ay ku leeyihiin labada golle ee Baarlamaanka ay ku tartamaan doorashada soo socota keliya haween si loo xaqiijiyo qoondada haweenka isla markaana aan la isku darin kuraasta haweenka iyo raga ee labada golle ee baarlamaanka.
Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka hor aqrisay mooshinka ay gudbiyeen.