(DHAGEEYSO):- Maamulka Hirshabeelle oo lagu eedeeyey inay ma’suul ka yihiin dhibaatadii ka dhacday deegaano hoostaga Degmada Cadale.

Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada ee maamulka degmada Cadale ayaa sheegay in dowlad goboleedka Hirshabeelle ay ka gaabisay dadaalkii looga baahnaa kahortaga colaada kajirta deegaano hoostaga degmadaasi oo labadii maalin aynu soo dhaafnay ay ku dagaalamayeen maleeshiyo beeleed wada daga halkaasi.

Cabdiraxmaan Axmed Cabdi ku xigeenka amniga iyo siyaasada ee degmada Cadale ayaa ku eedeeyey madaxda Hirshabeelle inay ma’suul ka yihiin dhibaatada kajirta degaanadaasi islamarkaana maamulku uu ka gaabiyey wax ka qabashada xiisadaasi oo uu sheegay inay ku wargaliyeen mar hore balse madaxdu eysan la’imaan dadaaladii looga hortagi lahaa colaadaasi oo uu ka dhaliilay maamulka Hirshabeelle.

Halkaaan Hoose Ka Dhageeyso Codka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media