Donald Trump oo kordhin doona Miisaaniyadda Milliteriga Maraykanka ee sannadka soo socda.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Trump oo aan fasax u haysanin inay Saxaafadda la hadlaan ayaa sheegay in la kordhinayo Miisaaniyadda Milliteriga Maraykanka ee sannadka 2018-ka, lana gaarsiin doono 54 Billion oo Dollar.

Kharajka lagu kordhinayo Miisaaniyadaasi ayaa laga jari doonaa  Kharajyadii loogu talagalay Kaalmadda dibedd iyo Barnaamijyadda kale ee Gudaha, iyadoo   ku-dhawaad 10% la kordhin doono Miisaaniyadda Milliteriga dalkaasi.

Kongareeska Maraykanka ayaa la filayaa inay bartamaha bisha soo socota ka doodaan Miissanaiyadaasi, waxaana la rajeynayaa inay Dood-siyaasadeedkii ugu ballaarnaa keeni karto Ansixinta Miisaaniyaddaasi..

Kordhinta Miisaaniyaddaasi ayaa timid, iyadoo Donald Trump horey u ballan qaaday inuu Maraykanka ka dhigayo Ammaan.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media