Amarkaan in xabsiga la dhigidoono shirkadaha iyo cidwalba oo qoda laamiyada muqdisho ee ka soobaxay maamulka gobolka banaadir ayaa ka mid ahaa ajandayaal looga hadlay maanta kulanka todobaadlaha ah ee maamulka gobolka banaadir.
Waxaa maanta oo Axad ah shir-gudoominayey gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale kulanka waxaana looga hadlay arimo kale oo ay ka mid ahaayeen amaanka iyo bilicda muqdisho
Afhayeenka maamulka gobolka Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa warbaahinta la hadlay marka uu soo dhamaaday kulanka oo ay dibad joog ka ahayd saxaafada waxaana uu sheegay in la amray maamulada dagmooyinka in xabsiga la dhigo cidwalbo oo jabisa amarka ah in aan la qodin laamiyada
Halkaan Hoose Ka Dhageeyso Codka.