Madaxweynaha Dowld-gobaleedka Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed ayaa si rasmi ahaan u shaaciyey inuu iska casilay, xilli ay Xildhibaanadda Barlmaanka Galmudug diyaariyeen Mooshin isaga xilka looga qaadayo.
Madaxweyne Guud oo haatan socdaal Caafimaad ku jooga dalka Hindiya ayaa sheegay inuu sababo dhinaca caafimaadka uga degay Xilkasi oo loo doortay bishii July 4-dii ee sannadkii 2015-kii.
Dhinaca kale, Dhakhtarka Khaaska ee Madaxweyne Guuleed ayaa kula taliyey inuu iska casilo Shaqada Siyaasadda, si uusan dhibaato kale kala kulmay Xanuunka Caafimaadkiisa, isagoo sannadkii hore lagu sameeyey Qaliin dhinaca Wadnaha.
Halkan ka akhriso Warqadda Is-casilaadda Madaxweynaha Galmudug: