Sheikh Nuur Baaruud Gurxan oo ah xubin kamid ah Gudiga Abaaraha ee Heer Qaran ayaa ka hadlay Tan iyo inta Lamagcaabay Gudigaas waxa u qabsoomay Xili uu Maanta Ka Qeyb Galayey Barnaamijka Dooda Dalsan.
Waxa Gurxan sheegay In Gurmashada Dadka ay Saameysay Abaarta Looga Mashquulay Arimaha Doorashada Madaxweynaha oo laga Daahay wax ka Qabashada Dhibaatada Abaaraha Daran ee ka jira Dalka oo uu xusay in Xubno ku jiro Gudiga ay ku maqanyihiin Xaga Doorashada oo Qalbigooduba Joogin Sida uu Hadalka Udhigay Sheikh Baaruud.
Waxaa kale uu ka hadlay Meesha uu Marayo Dadaalka Loogu Jiro Ugurmashada Dadkaasi iyo Lacag Uruurinta ay Wadaan Gudiga Abaaraha oo Hada ku Howlan Sidii Loo Bad Baadin Lahaa Dad Badan oo Halis Ugu Jiro Abaaraha ka Jira Degaano Kamid ah Dalka
Tan iyo Inta Lamagcaabay Gudiga Abaaraha Qaran Majiro Wax uu Qabtay Ama Deegaan Uutagay Marka Laga Reebo Dadaalada Wadaan ee Loogu Gurmanayo Dadku ay Saameysay Abaarta waxana Sii Badanaya Dhibaatada Dadku ay Kala Kulamayaan Abaartan oo Loo Bixiyey SIMAN waxana Lasoo wariyey Dad Udhintay Gaajo iyo Haraad Markii Ay Waayeen Wax ay Cabaan Ama ay Cunaan.
Halkaan Hoose Ka Dhageeyso Codka Sheikh Nuur Baaruud.