Barnaamijka Jimcahaan waxaa ku gorfeyn doonaa saameynta abaarta ku dhafatay dalka.
Roobabkii oo aan hoorin sedexdii sano ee lasoo dhaafay ayaa sabab u ah abaarta.
Dowlada, Maamulada. Ururada Maxaliga ee samafalka qeela dhaan ayeey kasoo saareyn xaaladahaan bini’aadanimo.
Waxa jiro Gudiyo loo xilsaaray taa kuleynta dadka abaartu saameesay.
Gudiga Gurmad Abaaraha waxa ay gacanta ku hayaan daqli loo uruuriyay dadka dhibanayaasha abaarta.
Hadaba soo mey aheyn in goor hore laga jawaabo baahiyaha inta aysan heerkaan gaarin?
Qiil malaga dhigan karaa dalka ayaa kujira marxalada kala guur ah?
kaalmada ay iska jareyn murashixiinta Mas’uuliyiinta dowlada iyo shqalaaha rayidka maku filan tahay gar gaarka kuwa gurmadka u baahan ?
maxaa helay deeqaha Dowladaha Carabeed daqliga ay Todobaadkan bixiyeense mayahay wax laga filay ?
maxaa diidan in lagaha lahayo lagaarsiiyo dadka dhimanaya?
miyanu jirin qorshe lagu tacaalo abaaraha ku soo noq nqoday wadanka geeska Africa?
Su’aalaahaa iyo kuwa kale ayaan kusoo bandhigeena Barnaamijka.
Waxaa Marti ku ah :
Maxamuuud Sheekh Xasan Madaxa Kormeerka Hey’ada maareynta masiibooyinka dalka
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan xubin katirsan gudiga gurmad abaaraha.
Ceydaruus Maxamed Cabdi Aqooyahan ka faalooda Siyasada iyo Bulshada.
Waxaa soo jeedinaya Barnaamijka Abuubakar Maxamed Cali.
Halakan ka dhageyso Barnaamijka dooda Dalsan: