DFS Wargalin ku saabsan Mashruuca lagu hormarinayo Kaabayaasha Dhaqaalaha Magaalooyinka (SURP 2)

Maaddaama ay Soomaaliya ka soo baxeyso ku dhawaad ​​soddon sano oo dagaal sokeeye ah, kaabayaasha gaadiidka waddooyinka, oo muhiim u ah horumarka dhaqaalaha iyo bulshada ee dalka ayaa ku jira xaalad aad u liidata. Sababo la xiriira la’aanta wadooyinka tareenka iyo maraakiibta xeebta oo xaddidan awgeed, wadooyinka waxey yihiin habka ugu weyn ee gaadiidka gudaha dalka loo isticmaalo. Tobaneeyo sano oo iskahorimaad iyo nugulnaan ayaa ka hortagay maalgashi weyn oo dhanka kaabayaasha ah, taasoo keentey isku flnaan laan xaga kaabayaasha iyo adeegyada aasaasiga ah ee magaalooyinka Soomaaliya. Dhismaha kaabayaasha waddooyinka ee Soomaaliya ma aha iney hor istaagayaan bixinta gargaarka bani’aadamnimada keliya, waxay sidoo kale keeneysaa caqabad ku aaddan dadweynaha xaga helinta adeegyada bulshada ee muhiimka ah iyo sidoo kale carqalad weyn oo ku aaddan is-dhexgalka siyaasadeed ee gobolada dalka.

Soomaaliya waxaa horyaalla labo caqabadood oo muhiim u ah abuuritaanka nabad waarta iyo dariiqa loo maro koritaanka dhaqaalaha iyo barwaaqada. Mudnaanaha kale ee qaranka, waxaa jira baahiyo badan oo kaabayaasha dhaqaalaha ah oo lagu taageerayo dib u soo kabashada iyo dadaalada dib u dhiska. 21,933 km oo wadooyin dalka ah, waxaa lagu qiyaasaa kaliya 2,860 km oo laamiga ka sameysan w(13 boqolkiiba), iyadoo inta badan (83 boqolkiiba) ay yihiin wadooyin ciid am acara kaawo. Magaalooyinka Soomaaliya, oo xilligan lagu garto kaabayaasha waddooyinka oo liita, oo cawaaqib xumo ka dhalan kara caafimaadka iyo daryeelka muwaadiniinta iyo sidoo kale dhaqaalaha, ayaa si deg deg ah ugu baahan dib-u-cusboonaysiinta magaalooyinka.

Tani waxay si gaar ahaan u muuqaneysaa  markii qofku eegeyo magaaleynta baahsan iyo arrinta tirada barakacaaysha ee kordhaya inay ku noolaadaan magaalooyinka. Sidoo kale magalooyinka waxaa lagu ogyahay saboolnimo baahsan, iyadoo 77% oo dadweynaha ey sabool yihin. Intaa waxaa dheer, Soomaaliya waxaa ka jirtaa shaqo la’aan baahsan. ururka shaqaalaha ee caalamiga ah (ILO) ayaa shegeysaa dadka da’adooda udexeysa 15-65 iney 54% shaqa laan yihiin.  Ahmiyadda si loo hormariyo xaaladda kaabayaasha magaalooyinka ayaa la jaan qaada mudnaanaadka qaran iyo gobollada. Waa xaqiiqadan in Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Soomaaliya (2017-2019) uu ku baaqayo in mudnaanta la siiyo “waddooyinka u adeega magaalooyinka waaweyn, tuuloyinka iyo degmooyinka.”

Bangiga Adduunku wuxuu ku taageereyaa Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) maalgelin ka timid Sanduuqa Wadaagga ah ee Soomaaliya (Multi-Partner Fund) si loogu fuliyo mashaariic kala duwan. Mashruuca Qorsheynta Maalgashiga Magaalooyinka Soomaaliyeed (SUIPP) oo hordhach u ah mashruuca lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqalaaha ee magaalooyinka Soomaaliya (SURP) wuxuu socday illaa horraantii 2016. Maalgelinta koowad ah ee mashruuca SUIPP oo markedi hore ku ekeyd magaalooyinka Garoowe, Muqdisho iyo Hargeysa, ayaa sanadkan 2019 la gaarsiiyey Kismaayo iyo Baydhabo.

SUIPP waxay taageertaa shaqaaleysinta iyo tababarka shaqalaha mashruuca, qiimeynta hey’adaha dowladaha hooseee, iyo  daraasadaha la xiriira kaabayaasha dhaqalaha, naqshada injineernimada iyo diyaarinta qandaraasyada iyo diyarinta qoraalada la xiriira ilaalinta bulshada iyo deeganka ee kaabayaasha mudnaanta leh.

Wejiga labaad ee SURP ayaa hadda la diyaarinayaa iyada oo loo sii marayo ilaha kale ee MPF (US $ 62 milyan) iyo sidoo kale Ururka Horumarinta Caalamiga (IDA) (US $ 50 milyan). SURP2 waxay kor u qaadi doontaa maal-gashiga Muqdisho iyo Garoowe waxayna sidoo kale kordhin doontaa taageerada maal-gashiga kaabayaasha ee Kismaayo ee Jubbaland iyo Baydhaba ee Koonfur-galbeed marka lagu daro magaalooyinkii horey loo taageeri jiray ee Muqdisho iyo Garoowe. SURP II waxay leedahay miisaaniyad mashruuc dejineed oo dhan $ 112 milyan (US $ 62 milyan oo ka timid MPF iyo US $ 50 milyan oo ka timid IDA). Afarta magaalo waxaa loo xushay iyadoo lagu saleynayo muhiimadooda siyaasadeed, dhaqaale, amni iyo waliba nuglaansanaantooda (uruurinta Barakacayaasha iyo kororka dadka magaalooyinka)

Ujeeddooyinka horumarineed ee SUR2 I waa “in la xoojiyo awoodda gaarsiinta adeegga dadweynaha ee dawladaha hoose iyo kordhinta marin u helka kaabayaasha magaalooyinka ee meelaha la xushay.” Mashruucu wuxuu ka kooban yahay afar qaybood, sida hoos lagu muujiyey.

  • Qaybta 1: Kaabayaasha Magaalada iyo Adeegyada. Qeybtaani waxay leedahay labo qayb hoosad:

    Qayb-hoosaadka 1: Taageeridda Kaabayaasha Magaalada iyo Adeegyada

    Qayb-hoosaadka 2: Maalgashiga Kaabayaasha iyo Adeegyada Magaalada

  • Qaybta 2: Xoojinta Hay’adaha. Qaybtaani waxay leedahay saddex qayb hoosaadyo ah, oo loo sameeyay “Caawinaad Farsamo” oo la xiriira:

    • Arimaha barakacayaasha iyo xalka waara ee la xiriira horumarinta xalka waara ee loogu talagalay dadka barakacay ee ku nool degmooyinka laga fulinaya SURP2 yareynta ka saarista qasabka ah.

    • Howlgalka iyo Dayactirka ee Kaabayaasha iyo Adeegyada Magaalada, iyadoo diirada la saarayo wadooyinka hada jira iyo biya mareenada, iyo sidoo kale taageerida qiimeynta miisaniyadda dayactirka

    • Kaabayaasha iyo adeeg bixinta, oo fududeynaya isweydaarsiga barashada iyo in laga wada hadlo arrimaha maareynta magaalooyinka.

  • Qaybta 3: Maareynta Mashruuca, iyo

  • Qeybta 4: Gurmadka Degdega ah ee loo diyaariyey mashruuca

Qaabka Maareynta Arimaha Deegaanka iyo Bulshada (QMADB: ESMF))

Dukumintigaani wuxuu soo bandhigayaa Qaabka Maareynta Arimaha Deegaanka iyo Bulshada  (QMADB) ee loogu talagalay mashruuca SURP II. Ujeeddada ugu weyn ee dukumintigani waa in la horumariyo ikhtiyaarada hirgelinta QMADB ee loo isticmaali doono qiimenta deegaanka iyo bulshada iyo qiimeynta qaybaha mashruuca kaabayaasha si loogu maalgeliyo qaab dhismeedka SURP2 ee la soo jeediyey.

Dukumintigaani wuxuu xaqiijineyaa in hirgelinta howlaha mashruuca loo qorsheeyay ay waafaqsan yihiin shuruudaha la xiriira siyaasadaha iyo heerarka heer qaran, heer gobol, iyo shuruucda Bangiga Adduunka oo la xiriira arimaha deeganka iyo bulshada.

Dukumintigaani wuxuu dejineyaa mabaadii’da, xeerarka, tilmaamaha iyo habraaca lagu qiimeeyo saameynta deegaanka iyo bulshada ee qeybaha mashruuca SURP2. Sidaa darteed, dukumentigaani wuxuu khusaysaa howlaha oo ay maalgelin doonto SURP 2, iyo Xarumaha la-hawlgala ee ka-faa’iideystaha la taageerayo uu ku lug yeelan karo SURP2 guud ahaan. Dukumentigani, wuxuu kaloo muujineyaa heerarkka Bangiga Aduunka ee ku haboon arimaha deeganka iyo bulshada iyo shuruudaha arimaha bulshada iyo deeganka ee Soomalia oo fulintooda wajib ku ah qeybaha kala duwan ee SURP2.

QMADB wuxuu sidoo kale ka kooban yahay dulmar guud oo ku saabsan xaaladaha deegaanka aasaasiga ah ee afarta degmo ee laga fulinaya SURP2, waxay tilmaamaysaa halista saameyn karta deegaanka iyo bulshada iyo saamaynaha ka imaan kara fulinta qeybaha mashruuca wuxuu sido kale soo jeedineyaa yareynta saameynta xun iyo tallaabooyinka kor u qaadista saameynta wanaagsan. Sidaas darteed, QMADB wuxuu noqon doona asaaska gaarka u ah Qorshooyinka Maareynta Deegaanka iyo Bulshada (ESMPs: QMDB) ama Daraasadaha Qiimeynta saamenta Bey’ada iyo Bulshada (ESIAs: DQSBB) inta lagu gudajiro fulinta mashruuca.

Waqtiga xaadirka oo la diyaarinaya QMADB ma cada maalgashiga kaabayaasha khaaska ah ee lagu taageeri doono waxqabadka SURP2. Liiska maalgashiyada kaabayaasha ah ee lagu taageeri doono SURP2 lama dhammaystirin laakiin maalgashiga oo dhan waxaa lagu dooranayaa xulinta bulshada iyo qiimeyn farsamad ee koobayaasha magaalada oo dhan. Sidaas darteed, in kasta oo liiska maal-gashiga saxda ah ee la taageeri doono aan wali la dhammaystirin, iyadoo lagu saleynayo wada-tashiga horudhaca ah ee lala yeelanayo dowladda Soomaaliya iyo natiijooyinka qiimeynta magaalooyinka ee laga sameeyay Kismaayo, Baydhabo, Garoowe iyo Muqdisho iyo daraasad bulaacadaha oo laga fuliyey Muqdishu, maalgashiga mudnaanta leh ayaa laga yaabaa inay noqdaan

  • Jiidadka magaalada;

  • Biya mareen;

  • Wadooyinka lagu lugeeyo

  • Nalalka wadooyinka iyo

  • Buundooyin

Nidaamka, Sharciga iyo Qaab Shaqeynta Hay’adaha.

Sharciga uugu muhiimsan ee maareynta arrimaha deegaanka waa dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya. Gaar ahaan qodobka 25 (“Deegaanka”), qodobka 43 (“Dhul”), qodobka 44 (“Kheyraadka Dabiiciga”) iyo Qodobka 45 (Deegaanka). Qodobka 25-aad ee dastuurka ayaa dhigaya “Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo Deegaan aan waxyeello u lahayn caafimaadkiisa iyo baraarihiisa nololeed oo laga ilaaliyey wasakhda iyo waxyaalaha halista ah. Qodobkan wuxuu kaloo dhigayaa “Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu wax ka helo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, iyadoo laga ilaalinaayo ka faa’ideysi xad-dhaaf ah oo Deegaanka waxyeello u   kara”.

Qodobka 45aad wuxuu dhigayaa:

(1) Xukuumadda Federaalku waxay mudnaan siinaysaa ilaalinta, keydinta iyo dhawrista Deegaanka, iyadoo laga ilaalinayo wax kasta oo wax u dhimaya kala-duwanaanshaha noole ee dabiiciga ah iyo hannaanka deegaameed ee dabiiciga ah.

(2) Dhammaan dadka ku nool Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa waajib ku ah ilaalinta iyo kobcinta Deegaanka iyo ka-qaybgalka horumarinta, fulinta, maareynta, xannaanaynta iyo dhawrista kheyraadka dabiiciga ah iyo Deegaankaba.

(3) Xukuumadda Federaalka iyo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka ee waxyeellada

Deegaanku ay saameeyeen waa in ay:

(a) Qaadaan tallaabooyin deg deg ah oo lagu dhaqangelinaayo nadiifinta wasakhda iyo haraaga

sunta halista ah ee lagu shubay dhulka iyo biyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

(b) Dejiyaan sharci, qaaddaana tallaabooyinka lagama-maarmaanka ah ee looga hortegayo kudaadinta

iyo ku xabaalidda wasakhdaas; taasoo xeer-jebin ku ah qaanuunka dawliga ah iyo kuxadgudub

gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

(c) Qaaddaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah in laga qaado magdhaw kuwa masuulka

ka ah ku-daadinta iyo ku xabaalidda wasakhdaas; ha joogeen Jamhuuriydda Federaalka

Soomaaliya gudaheeda ama meel kale;

(d) Qaaddaan tallaabooyinka lagama-maarmaanka u ah dib-u-noolaynta, dib-u- dhiraynta, kor-uqaadidda

iyo ilaalinta Deegaanka, iyo ka hortagga wixii waxyeellayn kara khayraadka dabiiciga

ah iyo Deegaanka dalka.

(4) Xukuumadda Federaalka iyadoo la tashaneysa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waxay dejinaysaa siyaasad guud ee Deegaan ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Qiimeynta Khataraha Saameyn Kara Deegaanka iyo Bulshada.

SURP2 wuxuu ka kooban yahay dhisidda iyo dib u hagaajinta wadooyin ku yaala afarta magaalo ee – Muqdisho, Garoowe, Kismaayo iyo Baydhabo. Waxyeelka uu mashruuca u geeysan karo bulshada iyo deeganka ayaa la filayaa inuu noqoto mid kooban, oo dib looga laaban karo. Khataraha uugu weyn ee saameyn kara mashruuca waxey la xiriiran tixgelin siyaasadeed iyo mid amni iyo halista xadgudubka ku saleysan jinsiga; Xadidnaanta awooda Baanka Adduunka inuu kormeer ku sameeyo maareynta halista deegaanka iyo bulshada .Sidaa darteed, qiimeynta guud ee waxyeelka deegaanka iyo bulshada waa mid “Sare” marka loo eego Nidaamka Kala-saarista Khataraha Deegaanka iyo Bulshada ee Bankiga Adduunka (ESRC).

Shuruucda Deegaanka iyo Bulshada.

Maadaama sharciyada deegaanka iyo bulshada iyo qawaaniinta heer qaran ee Soomaaliya ey daciif yihiin mashruuca wuxuu adeegsan doonaa 8 kamid ah10  heer ee bangiga aduunka oo kala ah:

  • ESS 1 (“Qiimaynta iyo Maareynta saameynta iyo waxyeelaha Deegaanka “)

  • ESS 2 (“Xaaladaha Shaqada iyo shaqaalaha “)

  • ESS 3 (“Hufnaan ku-haynta Kheyraadka iyo Ka-hortagga Sunta Wasaqda iyo Maareynta”)

  • ESS 4 (“Caafimaadka iyo badbaadada Bulshada”)

  • ESS 5 (“Qaadashada Dhulka, Xaddidaadaha Isticmaalka Dhulka iyo Dib-u-dejinta aan ikhtiyaari aheyn”)

  • ESS6 (“Kala duwanannta noolaha iyo Maaraynta Joogtada ah ee Kheyraadka Dabiiciga ah”)

  • ESS 8 (“Dhaxalka Dhaqanka”)

  • ESS 10 (“Kaqeybgal Daneeyayaasha iyo Soo bandhigida Macluumaadka”)

Faa’iidada Mashruuca ee Deegaanka iyo Bulshadaba.

Qeybabaha ka kooban SURP2 ee la soo jeediyey waxay yeelan doonaan faa’iidooyin fara badan oo ey kamid yihiin:

  • yareynta walxaha wasakhowga hawada sida SOx iyo NOx, iyo sidoo kale CO2, kuwaas oo qayb weyn ka qaata isbedelka cimilada.

  • yareynta ciriiriga taraafikada,

  • yareynta biyo fadhisiiga jidadka, halista shilalka,

  • Fudueyn isku socodka iyo tegitaanka goobaha bulshada sida masaajidada, iskooladka, xarumaha daryeelka caafimaadka

  • Shaqa abuur

  • Hormarinta bilicda

  • Kor u qadida nabadgelyada,

  • Nalalka waddooyinka iyo nabadgelyo la wanaajiyey.

Saamaynta Xun ee Deegaanka iyo Bulshada uu Yeelan Karo Mashruuca

Saameynta deegaanka ayaa noqon doonta mid yar, wakhti gaaban ah, oo ku koobnaan doonta goobta uu dhsismaha ka socdo. Khataraha ee bulshada wajihi karaan ee la saadaalin karo waxaa ka mid ah: saamaynta caadiga ah oo laxiriira dhismaha wadooyinka sida, boodhka, buuqa, nabaad guurka, wasakheynta biyaha, carqaladaha taraafikada, xannibaada dadka lugaynaya, wasakhda dhismaha, iyo sidoo kale qashinka ka yimaada xeryaha shaqaalaha. Saamayntan muddada-gaaban ah waxaa looga hortegi karaa ama lagu khafiifin karaa habraacyada hawlgallada caadiga ah iyo hab-dhaqanka maaraynta dhismaha ee wanaagsan.

Khataraha Wajaha Bulshada iyo Saamaynta la Saadaaliyay

In kasta oo mashruuca ussan aad u weyneyn, qaar ka mid ah khataraha bulshada iyo saameynta ayaa laga yaabaa inay noqdaan kuwo weyn. Kuwaas waxaa ka mid ah:

  • in lala wareego dhulka mise barakac jidheed iyo dhaqaale;

  • khataraha suurtagalka ah ee la xiriira xaaladaha shaqada iyo shaqaalaha, sida caafimadka shaqaalaha,

  • shaqaleynta carruurta,

  • khilaafaadka shaqaalaha,

  • khataraha amniga

  • Dumarka oo lagu xadgudbo

  • In laga reebo kooxaha liita iyo kuwa nugul faa’iidooyinka mashruuca; iyo

  • Khataraha ka dhalan kara xiisadda bulshada ee sii kordheysa (tusaale ahaan, muran ku saabsan dib-u-dejin dadka mashruuca saameynayaa ama ku qanacsanaanta xulista degmooyinka mashruuca laga fulinaya).

Tallaabooyinka ka-hortaga saameynta xun waxaa kamid hirgelinta Qorshooyinka Dib-u-dejinta (QDJ) iyo habraaca maareynta shaqaalaha (HMS); Qaadista talaabooyinka yareynta shaqaalaha u soo guureya degmeyoonka lagu fulineyao mashruuca iyo fejignaan xagga xadgudubka dumarka, wadashaqeynta lala yeelanayo bulshada eey ka mid yihiin kooxaha liita iyo kuwa nugul iyo wadatashi oo daahfuran iyo hababka lagu xaliyo cabashada.

Tallaabooyinka Ilaalinta  iyo Yaraynta Waxyeelaha.

Si wax looga qabto saameynta la soo xusey, habka baaritaanka bay’ada iyo bulshada ayaa lagu soo jeediyay dokumentigan, waxaana loo adeegsan doonaa si loo hubiyo in saameynta xun ee mashruuca laga hor tago ama loo yareeyo, iyo saamaynta wanaagsan oo la xoojiyo.

Diyaarinta Qabanqaabada Mashruuca.

Mashruuca ‘SURP2’ ee la soo bandhigi doono wuxuu ku dhismi doonaa ka qeybqaadashada lagu horumarinayo SUIPP iyo SURP. Mashruucyadan hore, shaqaalaha mashruuca waxaa loo diyariyey Muqdisho iyo Garoowe waxaana hadda laga dhisayaa Kismaayo iyo Baydhabo. Shaqaalahan waxay ka koobnaan doonaan Isu-duwaha Mashruuca, Khabiirka Maaliyadda, Khabiirka Iibsiga, Khabiirka arimaha bulshada iyo deegaanka , Injineer iyo Khabiirka Korjoogteynta iyo Qiimeynta. Dhammaan shaqaalahan waxaa lagu shaqaaleysiyee si tartan ah.  Shaqaalahan waxaa sidoo kale lasiiyay taageero kobcinta awooda maamulka maareynta, soo iibsiga iyo ilaalinta deegaanka iyo ilaalinta bulshada iyo injineerinka. Meelahan waa kuwo muhiim u ah hubinta in lagu hirgaliyo kaabayaasha tayada leh hab hufan oo lala xisaabtami karo, taa oo iyadu gacan ka geysan doonta xoojinta kalsoonida dadku ay ku qabaan awoodda dowladda hoose ey ugu adeekto bulshada.

Iyadoo la adegsaneyaa aqoonta laga heley SUIPP/SURP, SURP2 waxaa looga hirgalin doonaa iyada oo loo marayo degmooyinka. Shaqaalaha mashruuca oo jooga degmooyinka waxay lahaan doonaan mas’uuliyad maareyn mashruuc, isku dubaridida guud ahaan hirgelinta mashruuca, hubinta waqtiga la heli karo ee wareejinta sanduuqa qandaraaslayaasha, hirgelinta aaladaha la xiriira dhowrista iyo hubinta xiriir joogto ah bulshada iyo la tashiga, joogtaynta xisaabaadka mashruuca iyo soo saarista warbixinnada maaliyadeed, kormeerka iyo qiimeynta hirgelinta barnaamijka iyo saamaynta, horumarinta iyo hirgelinta  iyo ka warbixinta natiijooyinka daneeyayaasha kala duwan.

SURP2 waxay sidoo kale taageeri doontaa sameynta Unugga Iskuxirka Mashruuca (PCU) ee Wasaaradda Howlaha Guud ee federaalka. PCU-da ayaa mas’uul ka noqon doonta bixinta kormeerka mashruucan, la shaqeynta Wasaaradda Maaliyadda / EAFS iyo taageeridda kormeerka mashruuca. Wasaaradda Howlaha Guud ee federaalka ah PCU waxaa ku jiri doona ugu yaraan Isuduwaha Mashruuca, Khabiir Maareyn Maaliyadeed, Khabiir ku ah Badbaadada Bulshada iyo khabiiro kale oo loo arko inay ku habboon yihiin.

La-tashiga Dadweynaha iyo Shaacinta.

Shuruudda deeganka iyo bulshada ee Bangiga Aduunka wuxuu qasab ka digeyaa wada tashi guud ku saabsan saameynta deegaanka iyo bulshada oo lala yeesho kooxaha uu saameeyn karo  mashruuca iyo daneeyeyaasha kale iyada oo la tixgelinayo wax soo jeedintooda. Faahfaahinta ku lug lahaanshaha daneeyaha waxaa lagu soo bandhigay dudukenetigaa Qaabka Kaqeybgalka Daneeyaha (QKD). Khubarada arimaha deegaanka iyo bulshada  ee Bangiga Aduunka waxay sidoo kale si dhaw ula shaqeeyeen shaqaalaha farsamada ee heer dowladeed, Muqdishu iyo Nairobi, iyagoo wadahadalo kooban iyo falanqeyn kula yeeshay shaqsiyaadka leh hogaanka SURP2 ee ka kala yimid Muqdisho, Garowe iyo Baydhabo, bisha Meey iyo Juun 2019.

Intii lagu guda jiray diyaarinta mashruuca, wada tashiyo dadweyne ayaa arimaha deegaanka iyo bulshada ee mashruuca lagu sameeyey Muqdisho iyo Garoowe bilihii Luulyo iyo Agoosto 2019, oo ay ka soo qeyb galeen tiro badan oo daneeyayaal ah oo ay ku jiraan dadka daggan degmada, dadka ay saameeyeen mashruuca, ururaha bulshada, shaqaalaha rayidka ah, wakaaladaha UN, shaqaalaha mashruuca iyo kooxaha nugul / la fogeeyo. Arimaha laga wada hadlay waxaa ka mid ah: aragtida guud ee mashruuca, fursadaha shaqo helida, Caafimaadka iyo badbaadada Bulshada,  dib u dejinta iyo magdhowga, qorsheynta magaalooyinka iyo barakacayaasha, ka qeyb galka daneeyayaasha iyo Habka Xalinta (HXC) Cabashooyinka. Qaab-dhismeedka la cusbooneysiiyay iyo tarjumadiisa afsoomaaliga ayaa lagu shaacin websaydhka dalka iyo.BA kahor qiimeynta

Xaddidnaanta aqoonta shurudaha arimaha deeganka iyo bulshada  ee shaqaalaha ka fulinaya mashruuca degmooyinka Baydhabo iyo Kismaayo waxay qatar ku yihiin in lagu fuliyo mashruca sidii loo qorsheeyay iyo wakhtigii loogu tala galey. Si loo yareeyo khatartan, mashruucu wuxuu gacan ka geysan doonaa kobcinta awoodaha degmooyinka baydhabo iyo kismaayo si ay uugu guuleystan fulinta mashruuca iyo gaarsiinta waxqabadyada farsamo ee mashruuca ee horumarinta kaabayaasha magaalooyinka iyo maamulka. Awoodda farsamo ee wasaaradaha ayaa xaddidan; sidaa darteed, waxaa latalineye hay’ada UNOPS oo ku taageereeyse  fulinta howlaha badan ee mashruuca iyagoo matalaya dowladaha hoose.

QMADB wuxuu qiimeyey awooda hey’adaha fulinta waxayna soo jeedisay tillaabooyin lagu xoojinayo awooda fulinta ilaalinta arimaha bulshda iyo deeganka si inta lagu gudajiro fulinta mashruuca. Tan waxaa ku jiri doona tababar ilaalin ah oo loogu talagalay shaqqalaha mashruuca. Miisaaniyadda la soo jeediyay in lagu hirgaliyo QMADB mashruuca SURP2 waa 257,600 Doolar Mareykan.

Habka Xalinta Cabashooyinka (HXC). Hay’adaha fulinaya mashruuca waxay sameeyeen nidaam lagu xaliyo cabashooyinka oo loogu talagalay dadka inay soo sheegaan tabashooyinka ama cabashooyinka, haddii ay dareemaan in si aan caddaalad ahayn loola dhaqmay ama ay saameeyeen qayb ka mid ah mashruuca. Habka xalinta cabashooyinka waxaa ka mid ah:

  • Gudbinta macluumaadka ku saabsan hirgelinta mashruuca;

  • in la dhiso gole heer degmo ah oo lagu xallinayo cabashooyinka;

  • xallinta khilaafaadka si dhakhso ah ka hor intaanay ugu gudbin heer aan la maamuli karin;

  • fududeynta wada-xiriirka u dhexeeya mashruuca iyo dadka ay dhibaatadu saameysey;

  • in la kasbado aaminaadda iyo kalsoonida ka-faa’iideystayaasha mashruuca iyo daneeyayaasha oo abuuro xiriir wax-ku-ool ah iyaga dhaxdooda.

Sida loo qorsheeyay HXC wuxuu leyahay dhowr darajo oo le heerar badan oo ka mid yihiin: Diwangelinta cabashooyinka, dabagalka, iyo xallinta cabashooyinka si dhakhso leh inta lagu jiro hirgelinta SURP2 iyo ka dib. Hay’adaha fulinaya waxay lahaan doonaan shaqsi ama koox u xilsaaran dhisidda iyo iskuhaynta HXC si loogu fududeeyo dadweynaha guud ee aagga mashruuca iyo bulshooyinka ay saameeyeen ama shakhsiyaadka diwaangelinta  ​​cabashooyinka oo ay u ku helaan jawaab si dhagsa a. Nidaamku wuxuu sidoo kale hubin doona iskuna dardargelin doonaa cabashooyinka iyo dabagalkooda. Nidaamkan waxaa loogu talagalay in lagu maareeyo cabashooyinka loo arko inuu ka dhashay mashruucu ama shaqaalihiisa. Waxa kale oo ku jiri kara is afgaranwaaga ku saabsan magdhowga iyo arrimaha kale ee la xidhiidha Faahfaahin dheeraad ah ee HXC waxaa lagu soo bandhigay QKD

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media