Taliye ka tirsanaa Ciidanka Danab oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Gelinkii dambe ee shalay waxaa qarax Miino lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda fedraalkaoo ku sii jeeday deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose kana baxay magaalada Muqdisho.

Qaraxaas oo ka dhacay inta u dhaxeysa halka loo yaqaan isbaarada Shabeelle iyo deegaanka Siinka dheer ayaa waxaa ku geeriyooday askar ka tirsaneyd ciidamada dowladda kuwa kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda dadka ku dhintay qaraxaas waxaa ku jiray Maxamed Cali  Cismaan oo ku magac dheeraa (Maxamed Yare) isla markaana ahaa Taliyiha qeybta sedexad ee ciidamada Maraykanku tababaray ee Danab.

Maxamed Cali  Cismaan waxa uu ka mid ahaa saraakiisha dhalinyarada ah ee ugu fir-ficoonaa ciidamada Dana bee gaarka ah,waxaana uu ka qeyb qaatay dagaallo ka dhacay gobolada dalka gaar ahaana dagaalkii Alshabaab looga saaray magaalada Marka qeyb ka mid ah oo uu hogaminayay.

Qaraxa ka dhacay shalay duleedka magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday ku dhawaad 6-askari oo isagu uu ku jiray,Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaas mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Somalia

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media