Ra’Iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa kulan la qaatay Maamulaha Guud ee Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga ee Waxbarashada Alice Albright.
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay hormumarinta mashaariicda Waxbarashada Soomaaliya iyo istiraatijiyadda taakuleynta Waxbarashada Soomaaliya ee shanta sano ee socota.
Wasiirka Waxbarshada xilgaarsiinta Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji oo kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in kulanka ay kusoo bandhigeen horumarada laga gaaray dhinaca Waxbarashada dalka iyo dadaalada kale ee wado Wasaaradda Waxbarshada.
Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay inay kala hadleen Maamulaha Guud ee Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga ee Waxbarashada Alice Albright sii kordhinta taageerada iyo kaalmada Waxbarasho ay siin jireen dowladda Soomaaliya.
Kulanka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu la qaatay Alice Albright ayaa waxaa uu qeyb ka yahay kulamo uu la yeelan doono Madax kala duwan oo ka qeyb galeysa Shirka horumarinta Waxbrashada oo ka furmi doona Magaalada London ee dalka Ingiriiska.