Dowlad Goboleedka Puntland ayaa war ka soo saartay Doorashooyinka la filayo inay dhawaan dhacaan deegaanada maamul Goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda Puntland  ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxda dowladda Federaalka ay ku howlan yihiin burburinta dowlad Goboleedyada dalka iyo qaadista Filico iska horkeenaya Shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqday inay si deg deg ah u joojiso faragelinta ay ku hayso geedi socodka Doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland.
Ugu dambeyntii Dowlad Goboleedka Puntland ayaa bogaadisay dedaalada ay shacabka iyo maamulada Galmudug iyo Jubbaland kaga tashanayaan aayahooda,isla markaana ay ku dooranayan Madaxdooda.
Hoos ka Akhriso Warka ka soo baxay Maamulka Puntland.