Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay warbixin lagu faafiyay baraha bulshada oo la sheegay in ay kasoo baxday Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika, taasoo looga hadlay arrimo ku saabsan howlgalka AMISOM iyo xaaladda Soomaaliya.
War kasoo baxay xukuumadda xilgaarsiinta ayaa lagu sheegay in Golaha Wasiirrada ay shir deg deg ah ka yeelanayaan arrintan, dhawaanna bayaan kasoo saari doonaan.
Warbixinta oo la sheegay inay soo saareen Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee ururka Midowga Afrika ayaa ayaa sharraxay xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo arrimo ay sheegeen in ay ogaadeen xilligii ay qiimaynta wadeen.
Warbixintan oo aad u dheereed ayaa lagu sheegay in qabiillo ay wali saamayn ballaaran ku leeyihiin dhinac walba oo ka mid ah hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale lagu qeexay in gacmo shisheeye ay faraha kula jiraan howlaha la xiriira horumarka Soomaaliya.
“Caqabadda aasaaska ah ee hor taagan xasiloonida Soomaaliya waa in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ku guul darraysteen dhammastirka dastuurka qabyo qoraalka ah, xal u helista awood qaybsiga iyo wadaagista kheyraadka” ayaa lagu yiri.
Dowladda Federaalka ayaa Maanta kulan ka yeelatay Warbixintan, waxaana Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Ra’iisul Wasaare Rooble lagu sheegay in dowladda Qoraal rasmi ah kasoo saari doonto Warbixinta.