Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Aaladda Foggaan araga ee ZOOM-ka uga qeyb galay Shirka qaar ka mid ah Wasiirrada Maaliyadda Afrika.
Shirkaan oo uu soo qaban-qaabiyay Guddiga dhaqaalaha UN-ka ee Afrika ayaa waxaa inta uu socday looga hadlay sidii looga soo kaban lahaa saameynta dhaqaale ee xanuunka safmarka ee COVID-19 ee qaarad ahaan iyo dal ahaan.
Wasiirka Maaliyadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in laga dooday sidii looga soo kaban lahaa saameynta uu Cudurka halista ah ee COVID-19 ku yeeshay dhaqaalaha.
“Waxaa aan ka qeybgalay shir aad iyo aad muhiim u ah oo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah Wasiirrada Maaliyadda Afrika iyo Maamulaha Guud ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF” ayuu yiri Wasiir Beyle qoraalkiisa.
Ugu dambeyn Hay’adda IMF ayuu Wasiir Cabdiraxmaan Beyle tilmaamay inay taageereyso sidii ay saameynta iyo dhibaatada dhaqaalaha uga soo qaban lahaayeen dalal badan oo ay ku jirto Soomaaliya.