DFS iyo Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay qaraxyadii ka dhacay Baydhabo

Waxaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ka dhacay laba qaarx,waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah.

Weerarada Qaraxyada ah ayaa waxa ay ka dhaceen bartamaha magaalada Baydhabo gaar ahaan laba meheradood oo ku yaal bartamaha magaaladaasi.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga u sheegay in ka badan 10-Qof ay ku dhinteen Qaraxyada halka 20-qof oo kale ay ku dhaawacantay.

Guddoomiyaha Golaha shacabka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa cambaareeyay Qaraxyadii galabta ka dhacay magaalada Baydhabo,isagoona tacsi u diray Ehalada dadkii waxyeelada soo gaartay.

Dhanka kale,Guddoomiyaha Arrimaha horumarinta Bulshada,Dhaqanka iyo Warfaafinta ee Aqalka sare Senator Axmed Macallim Cumar “Axmed Nadiir” ayaa cambaareeyay Qaraxyadii galabta ka dhacay magaalada Baydhabo,kuwaasi oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Wuxuuna tacsi u diray Ehalada dadka waxyeelada ka soo gaartay qaraxyadaas.

Sponsered

Comments
Loading...