Kulan ay Caawa Muqdisho ku yeesheen Guddigii xalinta khilaafaadka ee Aqalka Sare ayaa waxa ay soo saareen in uu bur buray wan waantii ay wadeen si uu u dhamaado khialafkii sababay mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Gudiga ayaa waxa ay sheegeen in sababta burburka waan waantii ay wadeen ay ka timid dhinac ka mid ah dhinacyada uu khilaafka ka dhaxeeyo,kadib markii ay u soo jeediyeen talooyin iyo abaqyo si xal loo gaaro.
Aqalka Sare ayaa Magacaabay gudiga Aqalka Sare oo ka kooban 7 Xubnood oo uu gudoomiye u yahay Cabdi Xaashi Cabdullaahi,waxaana kulamo gooni gooni ah oo ay caawa yeesheen soo saareen in waan waantii ay wadeen burburtay.
Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com