Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Galmudug iyo Donald Yamamoto?

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa inta uusan shalay ka ambabixin Magaalada Muqdisho kulan la qaatay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dowladda Maraynkanka Danjire Donald Yamamoto.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay arrimaha Galmudug iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo si gaar ahna uga wada hadlay rrrimo la xiriira Doorashooyinka 2020-2021 iyo Dhammeystirka heshiiskii Dhuusamareeb-3.

Safiirka Mareykanka ayaa ka mahadceliyay kulanka Madaxweynaha GM, isagoo ku ammaanay Galmudugta cusub waxyaabihii u qabsoomay muddadii koobneed iyo doorkii ay ka qaadatay taabagelinta shirarkii Dhusamareb 1, 2 iyo 3.

“Ugu dambeyntii kulanka ayaa kusoo dhamaaday si guul ah iyadoo is afgarad laga gaaray dhamaan qodobadii laga wada hadlay” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada dowlad Goboleedka Galmudug.

Comments
Loading...