Hadal Filan-waa’ ah ku noqday Madaxda Puntland ayuu galabta ku dhawaaqay Agaasimihii Madaxtooyadda Dowlad-gobleedka Puntland, Dr. Deeq Saleebaan Yuusuf “Deeq”, kaasi oo xilkaasi hayey tan iyo bishii January 14-dii ee sannadkii 2012-kii.
Wararka naga soo gaarayo Caasimadda Puntland ee Garowe ayaa sheegay inaan si rasmi ah loo ogeyn waxa uu isku casilay, inkastoo ay wararka qaarkood sheegayaan inay Madaxweyne Gaas is-qoonsadeen.
Agaasimaha is-casilay ayaa ka mid ahaa Mas’uuliyiinta sida aadka ugu dhow Madaxweynaha Puntland.
Dr. Deeq Saleebaan Yuusuf “Deeq”, waxa uu yahay Aqoonyahan ku Takhasusay Cilmiga Bulshada waxaana Seddex Degree oo labo ay tahay Master’s Level uu ka qaatay Dalka Ingiriiska gaar ahan Magaalada London.
Waxaana uu si gaar ah u bartay BA (HONS) Social Welfare- Brunel London University, Masters Degree in Refugee Studies University Of East London, Masters Degree Social Work Brunel University London UK.
Deeq wuxuu la soo Shaqeeyay Institute Of Peace and Security Studies oo kamid ah Jamacadda Addis Ababa iyo African Union Qaybta Peace And Security Programme Expert Consultant oo uu u qabilsana Cilmi baarista dib u xasilinta Dalka Somalia.
Dr. Deeq wuxuu ka soo shaqeeyay Dalka Ingiriiska isagoo ka soo qabtay Xilal ay kamid ahayeen Senior Social Worker, Senior Substance Misuse Practitioner, Care Manager, Senior Care Coordinator, Senior Mental Health Practitioner, Senior Community Development Officer.
©Radio Dalsan