Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS, Cabdi Xaashi C/llhi wx uu maanta Shir-guddoomiyey Kulnkii 6-ad ee Golahaasi, kaasi oo looga hadlay Dhismha Guddiyo ka tirsan kuwa Aqalka Sare iyo Hawl-wadeeno u xil-saaran Dhowrista Nidaamka.
Xildhibaandda Aqalk Sare ee BFS waxay isku raaceen Dhismaha GuddiyaddaKMG, kuwaasi oo kala ah:-
- Guddiga Sameynta Miisaaniyadda Aqalka Sare
- Guddiga Shaqaaleynta Shaqaalaha Aqalka Sare
- Guddiga Sameynta Xeer Hoosaadka
- Guddiga Amniga
- Guddiga Samaynta Aqalka Sare.
Guddoomiyaha Aqalka Senedka, Cabdi Xaashi C/llaahi waxa uu tilmaamay inuu Guddi kasta ka kooban yahay 7-xubnood, loona baahan yahay inay Guddiyadda soo dhamaystiraan Hawlaha loo idmaday, kuna soo celiyaan Xildhibaanadda Aqalka Sare.
Dhinaca kale, Xildhibaanadda Aqalka Sare ee Senedka waxay ansiyeen 2-xubin oo u xil-saaran Hab-dhowrka ama Nidaamiyaha Aqalka Sare, waxaana look ala magacaabay: C/kaafi Macallim Xasan iyo Fartuun C/qaadir Faarax.
©Radio Dalsan