Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ugu codeeyay xeer hoosaadka golaha shacabka oo dib u eegis lagu sameeyay.
170 xildhibaan ayaa ogolaatay, waxaa diiday 1 xildhibaan, wax ka aamusay ma jiro.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal oo kulanka shir guddoominaya ayaa sheegay in dhamaan xildhibaanada qaranka ay cod wada ogol ah ku ansixiyeen xeer hoosaadka oo dib u eegis balaaran lagu sameeyay.
Kulanka Baarlamaanka oo weli socda ayaa Xildhibaanada waxaa la filayaa inay sidoo kale cod u qaadaan miisaniyadda Dowladda ee Sanada 2019.