Wiilkaan ayaa ka mid ahaa dhalinyarada ku nool Xaafada Baar Ubax waxaana la sheegay in uu is dilay.
Dadka deriska la ah wiilkan ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in xalay uu isdilay isla markaana Saakay uun la arkay Meydkiisa.
Dhacdaaan oo aad looga naxay ayaa waxaa isdilkiisa ka soo baxaya Warar kala duwan waxaana lagu sheegay sababta uu isku dilay arrimo la xiriira in uu ka Maseeray Gabar uu jeclaa.
Goobjoogayaasha weli macadeyn qaabka uu isku dilay balse wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in uu Sun cabay.
Goordhow ka la socda faah faahinta radiodalsan.com