Ciiddanka Difaaca Uganda ee UPDF ayaa ka soo horjeestay qorshaha haaatan socda ee lagu dhimayo Tirada Ciiddanka Nabad-ilaalinta AMISOM.
Waxayna ka digeen inay taasi keeni doonto guul-darro ku timaada dadaalka loogu jiro Degaanaanshaha Somalia.
QM waxay u tilmaamtay AMISOM sidii loo bilaabi lahaa dhimista Ciiddanka AMISOM, iyadoo ay 1,000 Askari mar hore dib loogu celiyey dalalkooda hooyo.
Qorshaha dhimista Ciiddankaasi ayaana weli socota, waxaana la filayaa in 1,000 kale laga dhimo AMISOM bisha October ee sannadkan.
QM waxay kaloo doonaysaa inay AMISOM masรขโฌโขuuliyadda Ammaanka Somalia ku wareejiyaan Ciiddanka Qaranka ee SNA marka la gaaro sannadka 2021-ka.
Si kastaba ha ahaatee, Sarreeye Guuto PAUL LOKECH oo ka mid ah Taliyayaasha Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM oo laa hadlay Wargeyska NEW VISION ee ka soo baxa magaalladda Kampala ayaa sheegay inaysan farri ka qodnayn sidii ay Ciiddanka Somalia ugu wareejin lahaayeen Masรขโฌโขuuliyadda Sugidda Ammaanka Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.
รขโฌหMarka dhinaca Aragtida Ciiddamadda laga eego, Anigu waxaan oran lahaa inaan weli la gaarin Xilligii ay AMISOM ka bixi lahaayeen Somalia, waxaana u baahanahay xilli si aan Ciiddanka DFS ugu diyarainayo inay Xilka la wareegaanรขโฌย ayuu yiri Taliyahaasi.
Waxa uu intaasi ku daray inay tababareen tiro ka mid ah Ciiddanka SNA, si ay ugu diyaar garoobaan inay Xilka la wareegaan, inkastoo uu rajo-xumo ka muujiyey inay muddo kale sii qaadan doonto inay Ciiddanka DFS la wareegaan Masรขโฌโขuuliyadda Ammaanka Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.
Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka Uganda ayaa ah tirada ugu badan ee Ciiddanka Hawlgalka AMISOM oo ka kooban Ciiddamo ka kala socda dalalka Uganda, Jabuuti, Burundi, Kenya iyo Ethiopia.