Ukraine oo ku eedeysay Ruushka in Afrikaanka uu ku cadaadinayo inay ka qeybgalaan dagaalka

Wasaaradda arrimaha dibadda Ukraine ayaa ku eedeysay Ruushka in Afrikaanka ku xiran dalkiisa uu ku cadaadinayo inay ka qeybgalaan dagaalka Ukraine.

Bayaan kasoo baxay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ukraine Oleh Nikolenko ayaa sheegay ,“Putin wuxuu muwaadiniinta Afrikaanka ah ee ku xiran Ruushka u diraya dagaalka Ukriane“.

“Waxaan ka codsaneynaa Midowga Afrika iyo dhammaan dowladaha Afrika inay ka dalbadaan Ruushka inuu joojiyo cadaadiska uu ku hayo muwaadiniintooda”.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli dagaalka Ukraine uu ku dhintay wiil ardey ahaa uu kasoo jeeday dalka Zambia.

Lemekhani Nyirenda, oo 23 jir ahaa wuxuu wax ka dhiganayay jaamacadda Moscow, wuxuu muddo 9 sano ah ku jiray xabsi isagoo loo heystay dambiyo la xiriira daroogada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor