Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboledyada ay isla garteen kuraasta Golaha Sahacbka iyo Magaalooyinka iyo degaanada lagu soo dooran doono.
Inkastoo wali War-murtiyeed rasmi ah aysan soo saarin Madaxdu, waxaa jira ila wareedyo sheegaya in ay madaxdu isla asteeyeen qabka loo soo dooranayo kuraasta Golaha Shacab.
Hoos ka aqriso deegaan doorashada iyo tirada kuraasta sida loogu kala asteeyay:-
Puntland 39 Kursi
- Garoowe 24 Kursi (Kuraasta Sool, Nugaal iyo Mudug)
- Boosaaso 15 Kursi (Bari, Qardho iyo Sanaag)
Galmudug 36 Kursi.
- Dhuusamareeb 24 Kursi
- Gaalkacyo 12 Kursi
Jubbaland 43 Kursi
- Kismaayo 27 kursi
- Gedo (Garbaharey) 16 Kursi.
Hirshabelle 37 Kursi
1 Jowhar 15 Kursi
- Beledweyne 22 Kursi
Koonfur Galbeed 69 Kursi
- Baydhabo 44 Kursi
- Baraawe 25 Kursi
Gobolka Banaadir 51 Kursi
- Banaadiri 5 kursi
- Xubnaha Gobolada Waqooyi (Somaliland) 46 Kursi