DEG DEG: Wariye Axmed Cawke oo ku geeriyooday Jigjiga

Allaha u naxariistee Waxa Xalay waqti dambe ku geeriyooday Magaalada Jigjiga Ee Wariyaha Caanka ah Axmed Xasan Cawke.

Wariyaha ayaa Xanuunsanaa waxana geeridiisa Xaqiijisay gabar isaga la dhalatay oo lagu Magacaabo Canab Xasan Cawke.

Meydka allaha u naxariistee Axmed Xasan Cawke ayaa la keeni doona Magaalada Hargeysa si loogu aaso Halkasi.

Wariye Cawke ayaa hore ula soo shaqeeyay Idaacada radio Muqdisho,BBC Soomaali,VOA Soomaali,iyo Telefishinada Universal TV iyo Horn Cable TV.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor