DEG DEG:-Toogasho labaad oo ka dhacday Maraykanka

Ugu yaraan 9 qof ayaa geeriyootay, 16 kalena wey ku dhaawacmeen Toogasho ka dhacday magaalladda Dayton ee Gobalka Ohio ee dalka Maraykanka.

Toogashadaasi oo ah tii 2-aad wax ka yar 24-saacadood ayaa waxay Waaberigii hore ee saakayto ka dhacdat Bartamaha magaalladda Dayton.

Qoraal ay Boliska magaalladda Dayton soo dhigeen Bartooda Twitter-ka ayey ku sheegeen inay Toogashadaasi bilaabantay abaarihii 01-dii iyo 22 daqiiqo ee saqdii dhexe ee xalay ee Xilliga Maraykanka.

Boliska waxay sheegeen in la dilay Ninkii dilka geystay oo isaga horey u dilay 9 qof oo rayid ahaa, iyadoo ugu yaraan 16 qof oo dhaawacmay la dhigay Isbitaalo ku yaalla Dayton.

Toogashadan ayaa timid, saacado kadib, markii ay Toogasho Wadareed ka dhacday magaalladda kale ee El Passo ee Gobalka Teksas, iyadoo lagu dilay ugu yaraan 20-qof, laguna dhaawacay 26-kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media