DEG DEG: Rasaas xoogan oo laga Maqlay Magaalada Garisa

Rasaas Xoogan ayaa goor dhaw laga maqlay Magaalada Garisa Ee Waqooyi Bari Dalka Kenya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Rasaasta laga dhex maqlay Saldhig ay Ciidamada Kenya ku leeyihiin Magaalada Garisa.

Wariye Madax banaan oo ku sugan Magaalada Garisa ayaa Dalsan u sheegay in imminka ay xaalada degan tahay islamarkaana ay Booliska sheegen in wax buuran aysan dhicin.

Ma jirto faahfaahin la xiriirta Khasaaraha Rasaasta oo la soo sheegayo in laga dhex maqlay Saldhig Militari oo Garisa ku yaalla.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor