Ugu yaraan Afar ruux ayaa ku geeryootay, halka tira kalena ay ku dhaawacmeen, kadib gaari laga soo buuxiyay waxyaalaha qarxa oo ku qarxay meel u dhow Kaamka Rajo ee Magaaladda Muqdishu.
Dadka geeryooday ayaa waxaa ay u badanyihiin dad shacab ah.
Kaamka Rajo waxaa uu ku yaalaa degmadda Wada jir ee Gobolka Banaadir.
Maamulka degmadda Wadjir, ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan qasaaraha weerarka.
Wixii kusoo kordha halkaan kala soco.