Soo-saaraha Barnaamijka Al-itijaah Al-macaakis ee Telefishinka Aljazeera, Faysal Al-qaasimi waxa uu barihiisa Facebook iyo Twitter-ka soo dhigay inuu Madaxweyne Farmaajo la hadlay Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana uu u sheegay haddii aysan Soomaalida midoobin, isla markaana aysan si wadajir ah u shaqeynin inay Somalia la mid noqon doonto sida dalka Syria oo kale.
رئيس الصومال الجديد محمد فرماجو مخاطباً الصوماليين: «إذا لم نتحد ونتكاتف سوف تصبح الصومال سوريا أخرى». http://fb.me/1SWJGjhX2
Madaxweyne Farmaajo oo la filayo in berrito (February 22) loo caleemo-saaro Xilkaasi ayaa had iyo jeer ku baaqa in laga shaqeeyo Nabadda iyo Midnimadda, iyadoo uu Dalku kala qeybsan yahay.
Diplomaasiyiinta ayaa rumeysan inay Madaxweyne Farmaajo ku adkaan doonto inay Dowladiisa mideyso dadka Soomaalida ee kala Aragtida duwan iyo Maamul-gobaleedyadda oo iyagu isku arka inay la darajo yihiin Dowladda Federalka.
Waxaa kale oo adkaan doonta sidii Maamulka Somaliland loogu qancin lahaa inay ka tanaasulaan Goosashadooda, isla markaana ay ilaaliyaan Midnimadda JFS.
Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland waxay sannadkii 1991-kii ku dhawaaqeen inay ka go’een dalka Somalia, iyagoo Tebasho xooggan ka qabay Hab-dhaqankii Dowladdii Kacaanka oo horey Diyaarado ugu adeegsatay si looga hortago Jabhaddii SNM ee ka dagaalami jirtey qeybo ka mid ah Goballadda W/Galbeed iyo Togdheer.
©Radio Dalsan