Waxaa goordhow Qarax xoogan laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gaar ahaan Nawaaxiga Taalada Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere.
Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa,waxaana uu ku qarxay Koontarool ay leeyihiin Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku yaalla Taalada Daljirka.
Ilaa iyo hada lama Oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxaasi.