Telefishinka Al-masirah ee ku hadla Codka Maleeshiyadda xuutiyiinta ayaa saakayto baahiyey inay Diyaarad nooca Darooniska ku weerareen Garoonka magaalladda Najraan ee K/Glabeed ee Sacuudiga, kuna dhow xuduudka Yemen.
Xuutiyiinta waxay sheegteen inay Diyaaradaasi la beegsadeen Hangar ay yaalleen Diyaarado Dagaal, balse ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay duqeyn loo adeegsaday Diyaaradda Darooniska.
Dhinaca kale, Dowladda Sacuudiga iyo Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga weli kama aysan hadlin sheegashadda cusub ee Kooxda Xuutiyiinta ku weerareen Garoonka Diyaraadaha ee Najraan.
Shalay ayey ahayd, markii ay Kooxda Xuutiyiinta ku weerareen Diyaarad Daroon ah Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Najraan oo 840-KM dhanka K/Galbeed kaga toosan Caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh.
Afhayeenka Isbhaysiga Scauudiga, Kolonel Turki Al-maaliki waxa uu Kooxda Xuutiyiinta uga digay inay la kulmi doonaan fal-celin aad u xoog badan.