DEG DEG:-Qarax ka dhacay Magaalada Baladweyne

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayan in goordhow halkaasi uu ka dhacay Qarax xoogan.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah,isla markaana lala eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo marayay gudaha Magaalada.

Dad ku sugn Magaalada Baladweyne ayaa waxaa sheegeen in Qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan.

Ilaa iyo hada lama og Khasaaraha rasmiga ah ka dhashay Qaraxaas ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor