Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa saakay waxa ay degmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir
gaar ahaan agagaarka masjidka Cabdalla iyo Cawreere ee ku yaalla degmada Warta-nabada ku dileen Wiil Dhalinyaro ah oo Magaciisa lagu sheegay Cumar Xasan Cali
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in qofka la dilay uu fadhiyay Baar shaah lagu cabo oo ku yaalla Warta-nabada,isla markaana rag hubeysan ay rasaas la dhaceen ,kuwaasi oo durbo goobta ka baxsaday.
Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxa soo gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya,kuwaasi oo goobta ka bilaabay baaritaano ku aadan falkan dilka ah ee ka dhacay Degmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir.
Waraka qaar aan heleyno ayaa sheegaya in Ninka Dhalinyarada ah ee la dilay uu kamid ahaa dhaliyarada u diiwaan gashneyd Degmada Warta-nabada,halkaa warar kale ay sheegayan in uu ahaa Qof mar dhow ka qalinjibiyay mid kamid ah Jaamacadaha ku yaalla Dalka Soomaaliya.
Dilalka loo geysto askarta dowlada iyo dadka Shacabka ah ayaa joogto ah Muqdisho,waxaana mas’uuliyooda inta badan sheegta Al-shabaab.