Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta xiran,waxaana lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Isgoysyada qaar ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya, kuwaas oo Gaadiidka u diidaya in ay maraan wadada,iyadoo dadka qaar ay lugeynayaan.
Ciidamada dowladda isgoysyada ay xireen ayaa waxaa kamid ah, Isgoyska Tarabuunka,Taleex Banaadir Zoobe iyo kuwo kale,waxaana dadka Shacabka ah ay yihiin kuwa maalaya cagtooda.
Lama oga sababta ka dambeysan in la xiro maanta qaar kamid ah Wadooyinka muhiimka u ah isu socdka gaadiidka iyo dadweynaha ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Dadka ku nool Muqdisho ayaa walaac ka muujiyey xirnaanshaha wadooyinka oo soo now noqday,waxaana ay sheegeen in Shaqooyin badan oo ay leeyihiin ay ka baaqsadaan
.