DEG DEG:-Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Waxaa Goordhow Qarax xoogan laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gaar ahaan Nawaaxiga Isgoyska Tababuunka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, iyadoona la sheegay in lagu weeraray Xerada Generaal Gordan oo ku taalla meel ku dhow Tarabuunka.

Juga qaraxa ayaa siweyn loo maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana sido kale cirka isku shareertay uuro iyo qiiq madow, waxaana la xiray aaga uu qaraxy ka dhacay.

Ilaa iyo hada lama Oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxaasi ka dhaca Magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media