War Goordhow soo gaaray Warqabadka Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegayaa in qarax laga maqlay meel aan ka fogeyn Hotelka Karmal oo ku yaalla degmada Hodan ee Gobolkaan Banaadir.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu yahay Gaari Yar oo nooca Raaxada ah kaas oo loo yaqaano Surf waxaana la sheegay in uu ku qarxay Hotelka Agtiisa.
Qaar ka mid ah dad aan ka fogeyn Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay sheegeen in qaraxaas uusan geysan wax khasaaro ah.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa hadda ku sugan Goobta kuwaas oo dadka u diidaya in ay ka agdhawaadaan.
Goordhow la socda wixii ku soo kordhaÂ