Fiidnimadii Caawa ayaa waxaa qarax laga maqlay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolkan Banaadir kaas oo ahaa Gaari ay ku xirnaayeen waxyaabaha qarxa.
Gaari nooca Raaxada ee loo yaqaano Surf ayaa la sheegay in lagu xiro qarax Miino basle xili uu yaalay Afaafka hore ee Hotel Karmel oo ku yaalla inta u dhaxeysa Banaadir iyo Digfeer uu qarxay.
Qof ka agdhow Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa Raadiyaha Dalsan waxa uu u sheegay in ruuxii lahaa Gaariga uusan saarneyn balse qof Shacab ah oo Wadada marayay uu ku dhaawacmay qaraxa.
Ilaa iyo hadda laamaha amniga Soomaaliya macadeyn waxa uu ahaa Shaqsiga Gaarigiisa qaraxa loogu xiray,basle waxaa qeybaha hore ka burburay Gaariga kadib markii Miinada loogu xiray.
Qaraxyada Gawaarida lagu xiro ayaa mararka qaar ka dhaca Gudaha Magaalada Muqdisho iyada oo tiro ka dhowr jeer ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ah ka soo gaartay Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Hoos Ka Daawo Muuqaal iyo Sawiro