Waxaaa goor dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose safar lugta ah ku tagay wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaa soo diiran loogu soo dhaweeyey halkaasi.
Wafdiga madaxweynaha waxaa ku soo dhaweeyey Afgooye, qaar ka mid ah madaxda maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo aad loo adkeeyey amaanka, waxaana saakay hore hakad la galiyey dhaqdhaqaaqa gaadiidka, si la xaqiijiyo amniga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu booqdo xarumaha ciidamada dowladda ee gobolkaasi, isagoo kormeer ku sameen doono deegaano ka mid ah gobolka, gaar ahaan fariisimaha ciidamada dowladda oo dagaal kula jira Alshabaab oo ku xoogan Shabeellaha Hoose.