Kooxo hubeysan Bustoolado ayaa Goordhow waxa ay suuqa Bakaaraha ku dileyn haweeney la sheegay in ay u Shaqeyneysay mid ka mid ah Hay’addaha gargaarka ee Soomaaliya ka howlgalla.
Haweeneyda la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Maryan Cabdullaahi,waxana la sheegay xilliga la dilayay in ay ku sugneyd Busteejada Gawaarida aado Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Haweneyda la dilay ay u Shaqeyneysay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka Cafimaadka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano WHO qeybteeda deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed.
Dadkii ka dambeeyey dilka Haweneyda ayaa goobta ka baxsaday,waxaan imin k baaritaano ka wada ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.