DEG DEG:-Gaariga Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo la Qarxiyay

Waxaa goordhow Qarax xoogan laga maqlay qeybo kamid ah  Degmooyinka Gobolka Banaadir ,kaasi oo ka dhacay wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi ayaa waxaa lagu soo xiray gaari uu lahaa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Dad Goobjoogayaal ayaa Dalsan u sheegay in Qarax uu ka dhashay Khasaro kala duwan,waxaana gaariga uu ku qarxay Wadada aadka u mashquulka badan ee Maka Al Mukarama.

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhaawacantay qaraxa lagu soo xiray gaariga uu lahaa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media